Xuska Maalinta Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Caalamka oo Somaliland looga dabbaal-degay

Hargeysa(Aftahannews):- Somaliland oo si weyn looga xusay xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka oo ku beegan 3-da bisha May oo sannadkasta laga xuso Dhulka Soomaalida iyo badi waddamacada Adduunka, taasoo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Munaasibadii balaadhan oo si qurux baddan loo soo agaasimay oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, oo ay hirgelinteeda iyo isku duba ridkeeda ay lahaayeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ay gacan-dhaaqaale siisay hay’ada NED,ayaa waxa ka soo qeybgalay Hogaanka Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Ururka Xasan Maxamed Yuusuf,Guddoomiyaha Ururka USJ Khadar Maxamed Cakule,Ayaan Cabdirisaaq oo ka socotay Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee WIJA,Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, Somaliland Xasan Guure Jaamac, Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi,Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Saraakiil ka socotay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland UCID iyo WADDANI,Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,Suxufiyiin tirro baddan,Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo marti sharaf kale.

“Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa dhamaan suxufiyiinta Somaliland meelkasta oo ay joogaan,qoysaskooda xuska maalinta xorriyada Saxaafadda Adduunka oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 3 May, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaashsiiyo bash bash iyo barwaaqo”.Ayuu yidhi Guddoomiyha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf

Dhamaan Masuuliyiintan oo Xafladaas lagu xusayey maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegnayd maanta oo ah 3 May ayaa waxay si isku mida u hambalyeeyeen guud ahaan saxaafadda Caalamka,gaara ahaan Saxaafadda Somaliland xuska Maalinta xorriyada Saxaafada oo ku asteysan sanad kasta maanta oo kale, waxaanay ILAAHAY si isku mida uga baryeen inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo Saxaafada Somaliland oo xorriyada buuxda haysata.

Sidoo kale,waxay masuuliyiintani si isku mida ugu baaqeen Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay Xayiraada ka qaado Xarumaha Wargeysyada HAATUF iyo HUBAAL ee ay xayirtey,iyaga ay ka tirsanaysanayso Saxaafaddana ay u soo marto dariiqa saxda.waxaana loo soo jeediyey inay ka waantowdo tacadiyada ka dhanka ah saxaafada madaxa-banaan oo ay il-gaara u leedahay.

Waxaanay sanadkan xidhay Xarumihii Wargeysyada HUBAAL iyo HAARUF oo ay askar dul dhigtay si sharciga baal-marsal, taas oo aan horre u dhici jirin in si xooga xarun waraabineed lagula wareego, waxaanay dhacdadani walaac u abuurtey dhamaan xarumaha Warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland,iyada oo ay ka hadleen dadka u ololeeya madax-banaanida Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.