Somaliland: Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Ruqsadihii Shaqo ka dhaceen iyo Amar Xukuumaddu Ka Soo Saartay

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa laashay Ruqsadaha ay ku shaqeeyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka hawlgala, ka dib markii ay Xukuumaddu ku amartay inay muddo bil gudeheed ah ku soo dalbadaan Ruqsadaha ay dalka kaga shaqaynayaan oo uu waqtigoodu dhammaaday kuwii hore ay ugu shaqaynayeen.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil, ayaa Warqad qoraal ah oo uu u kala diray Shirkadaha Isgaadhsiinta soo saaray, isla markaana ku amray Shirkadaha inay u hoggaansamaan Xeer-nidaamiyaha dhaqangalka ah ee dhawaan la sameeyey ee la xidhiidha Siyaasadda lagu hagayo Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka.

Haddaba, Warqaddaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxay u dhignayd sitan hoos ka muuqata:-

SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA SOMALILAND OO RUQSADOHOODA LA LAALAY 2021
SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA SOMALILAND OO RUQSADOHOODA LA LAALAY 2021

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.