Hoggaanka Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Xilka kala Wareegay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye oo xilka kala wareegay Guddoomiyihi hore Xuuto
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye oo xilka kala wareegay Guddoomiyihi hore Xuuto

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad ay xilka kula waregayeen Hoggaanka cusub ee loo doortay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo lagu qabtay Arbacadii maanta Huteel Saba ee magaalada  Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye oo xilka kala wareegay Guddoomiyihi hore Xuuto
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye oo xilka kala wareegay Guddoomiyihi hore Xuuto

Munaasibaddaas waxa ka qayb-galay Guddoomiyihii hore Ururka SOLJA, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dorashooyinka Ahna Suxufi rugcada ah Cabdillahi Maxamed Daahir Cukuse, Xubno ka socday Saxaafadda Madax-banaan ee Somaliland iyo inta badan Hoggaanka Cusub ee SOLJA.

Guddoomiyihi hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi jaamac (Xuuto) oo munaasibada uu Xilka ku wareejinayay ka hadlay, ayaa ka warramay wax-qabadkii Ururka Solja u sameeyay muddadii lixda Sano ahayd ee u hayay Xilka Guddoomiyaha SOLJA.

Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo isna halka ka hadlay, ayaa sheegay in Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA muddada uu xilkiisa hayo ugu shaqayn-doono sinaan iyo Cadaalad Isla-markaana uu si Naf hurnimo ah uga hawlgali-dono baahiyaha mihnad-layaasha Saxaafada Somaliland.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca dorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo dhankiisa isna Munaasaibada Xil wareejinta hogaanka Solja ka hadlay aya gudoomiyihi hore ee Solja ku majeertay waxqabadka u sameeyay mudadi u hayay hogaanka Solja waxaanu Cabdillaahi Cukuse’ geesta kale hogaanka cusub ee Solja kula dardaarmay inay si masuuliyad iyo hufnaan shaqo ku jirto u Gutaan Hawlaha shaqo ee horyaala Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wakhtigan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo masuuliyiin kale oo warbaahinta Somaliland ah aya ayaguna madashaas Xil-wareejinta Hogaanka Cusub ee Solja ka hadlay. 

Haddaba, Warka iyo Hadallada Masuuliyiintu ka jeediyeen xilwareejintaas, waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

aftahannews.com 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.