Guddoomiye Baashe oo Amray in Dhul Dad Sheegtay Xoog lagaga Dhiso Madaxtooyada Laascaanood

Laascaanood(aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa Maamulka gobolka Sool, magaalada Laascaanood iyo Ciidanka-ba, ku amray in qasab lagu dhiso Aqalka Madaxtooyada ee magaaladaasi yeelanayso, kaas oo dhulka laga dhisayo ay Dad Shacab ahi sheegteen inay iyagu leeyihiin, taas oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay Guddoomiyuhu.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo isaga iyo Masuuliyiin dolwadda Somaliland ka tirsani ku sugan yihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa sheegay inaanay is-qaban inay Dadka magaaladu ku doodaan waxba nalooma qaban iyo inay is-hortaagaan Mashaariicda dowladdu ka fulinayso Laascaanood.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan iyo Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.