Madaxweyneyaasha Saddex maamul gobollleed iyo Midowga Musharixiinta oo kulmay

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweyneyaasha dowlad gobolleedka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyo xubnaha midowga Musharixiinta oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga doodday go’aankii ay dhawaan xukuumaddu qaadatay ee ahaa qabashada doorasho aan loo dhameyn.

Madaxweynayaasha saddexdan dowlad gobolleed ayaa ku garab taagnaa Ra’iisal Wasaare Rooble ku dhawaaqista go’aankan oo ay siweyn uga xumaadeen dhinacyada kale ee wali doooda ka qaba doorashada.

Kulanka ayaa waxaa si qota dheer looga dooday arrimaha doorashada iyo go’aanki Xukuumadda, hasse ahaatee madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa markii danbe qaatay doorka dhaxdhaaxdinta dhinacyada maqan iyo xukuumadda si loo qabto doorasho wadajir ah oo leysla ogol yahay.

Madaxweyneyaasha Saddex maamul gobollleed iyo Midowga Musharixiinta
Madaxweyneyaasha Saddex maamul gobollleed iyo Midowga Musharixiinta

Tallaabadan ayaa u muuqata mid meesha ka saareysa ku dhawaaqistii Ra’iisal Wasaare Rooble ee aheyd in doorashada la gudagali doono iyadoo ayna jirin cid loo joojiyo.

Dhinaca kale, madaxweynayaasha saddexda dowlad gobolleed ayaa ka dalbaday midowga musharixiinta in ay dhankooda soo gudbiyaan xubnaha ku jira guddiga doorashada oo ay darreenka ka qabaan si isbadal loogu sameeyo.

Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobey oo shalay hadlay ayaa dhankiisa ka diggay in la qabto doorasho hal dhinac ah isaga oo dalbaday in kulan leysugu yimaado.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.