Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay fiidnimadii Axadda weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerareen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fadhiisin ku lahaa degmada Balcad halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado kooban socday.

Ciidamada Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya

Warka ku saabsan geerida askarta waxaa xaqiijiay saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waana qeyb ka mid ah weerarrada joogtada ah ee kooxda ay ku bartilmaameedsaneyso saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

Dhawaan ayay aheyd markii qof ismiidaamiye ah uu weerar ku qaaday dhismaha waddada xidhiidhisa Muqdisho Afgooye halkaasoo uu ku diay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen Injineerro Turkish ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.