Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka oo lasoo qabtay

Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka
Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka

Laba nin oo ka mid ahaa dadki ugu caansanaa ee Arbacadi xoogga ku galay xarunta Koongareeska Mareykanka ayaa Sabtidi la xidhay, iyada oo ay ciidamada amaamnka baadi-goobayaan kuwo kale oo badan.

Labada nin ayaa ka mid ahaa kuwii ay sida gaar ah u qabteen indhaha caalamka, sawirradoodana aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Jacob Anthony Chansley oo kasoo jeeda gobolka Arizona ayaa Sabtidi lagu qabtay isla Arizona. Ninkan ayaa ah ninki xidhnaa koofiyad maqaar laga sameeyay oo geeso dhaadheer lagu dhajiyay.

Chansley oo ku magac dheer Jake Angeli, ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin ka qeybgaladi kharbudaad iyo dhaqan-xumo.

Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka
Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka

Ninka kale ayaa ah Adam Johnson ah 36 jir, kana soo jeeda gobolka Florida. Sawirkiisa ayaa kasoo muuqday baraha bulshada iyo telefashinnada isaga oo wata minbarka afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi.

Adam ayaa laga soo xidhay Sabtidi Kowntiga Pinellas, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago.

Jimcihi ayaa isna lasoo xidhay, Richard Barnett oo kasoo jeeda gobolka Arkansas. Ninkan ayaa lasoo sawiray isaga oo ku fadhiya kursiga xafiiska Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi, si jees-jees ahna ay lugtiisa u saaray miiska afhayeenka.

 

VOA