Madaxweynaha Somaliland oo Xeerar Madaxweyne ka soo saaray qaar ka mid ah Laamaha Dowladda

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeerar Madaxweyne oo summadeedu kala yihiin JSL/XM/XM/249-611/012021, JSL/XM/XM/249-612/012021 iyo JSL/XM/XM/249-613/012021 uu ka soo saaray xeerka Dhismaha Guddida Tacliinta Sare, xeerka Aas-aaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha iyo Xafiiska Diiwaanka Sekada. 

Waxaanay u dhignaayeen Xeerarka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/012021

Dhismaha Guddida Tacliinta Sare

Markaan Arkay: Qodobada 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 63 (3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 iyo Qodobka 28aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in la helo Tacliin Sare oo tayo leh oo soo saarta aqoon yahan ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda, caddaaladda, arrimaha bulshada iyo dhismaha dawladnimada;

Markaan Dersay:     Muhiimadda ay leedahay in qaranku yeesho hay’ad dawli ah oo u xilsaaran diiwaan-gelinta, ruqsad siinta, kormeerka iyo dabagalka goobaha tacliinta sare ee dalka, si loo helo waxbarasho sare oo tayo leh oo casri ah;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad

Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare waa Hay’ad Dawli ah oo leh jiritaan qaanuuni ah, waxaana ay ka masuul noqonaysaa maamulka, maaraynta iyo ilaalinta tayada Tacliinta Sare, si waafaqsan qorshaha waxbarashada Qaranka.

2) Si ay u gudato hawlaheeda shaqo. Guddida Tacliinta Sare waxa ay yeelanaysaa Qaab-dhismeed Hay’adeed oo madax-bannaan iyo miisaaniyad u gaar ah, waxaana uu hawlihiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka Dalka. 

3) Guddida Tacliinta Sare, waxa ay wada shaqayn dhaw kala yeelanaysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska arrimaha la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta siyaasadaha Tacliinta Sare,

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Guddida tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. sidoo kale Guddidu waxay ku wargelinaysaa wasiirka hawlaha ay u arkaan inay ku jirto danta qaranka ee la xidhiidha tacliinta sare.

Qodobka 2aad

Ujeeddooyinka Dhismaha Guddida Tacliinta Sare

Ujeeddooyinka loo aas-aasaay Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) In la helo hay’ad dawli ah oo Qaranka uga Masuul noqota diiwaan-gelinta, maamulka iyo kormeerka iyo sidoo kale hubinta tayada xarumaha waxbarashada tacliinta sare ee dalka, si waafaqsan nidaamka waxbarashada Qaranka iyo Xeerka Tacliinta Sare.

2) In la dhiirigeliyo xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare, si loo helo xarumo bixiya aqoon dhiirrigelisa koboc dhaqaale, caddaalad, xil-kasnimo iyo qiimeynta aayaha nabadda.

3) In la dejiyo siyaasado iyo qorshe hawleed lagu horumarinayo tacliinta sare si loo helo waxbarasho sare oo jaban oo la wada awoodi karo, loona daboolo baahida waxbarashada sare ee dalka.

Qodobka 3aad

Qaab-dhismeedka Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare  waxa ay ka koobnaanaysaa 7 xubnood oo kala ah;

  1. a) Guddoomiyaha Guddida,
  2. b) Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida,
  3. c) Shan (5) xubnood oo kale,
  4. d) Agaasime Guud, iyo
  5. e) Waaxaha & Shaqaalaha kale ee lagama-maar-maanka u ah xil-gudashada Guddida.

2) Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha kale iyo Agaasime Guud ee Guddida Tacliinta Sare waxa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 90aad ee Dastuurka.

Qodobka 4aad

Shaqada Guddida Tacliinta Sare

Shaqooyinka Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Diyaarinta siyaasadda iyo qorshaha Qaranka ee Tacliinta Sare ee xarumaha tacliinta sare ee Dawladda iyo xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ansixinaya Golaha Wasiirrada. 

2) Diyaarinta siyaasado qeexaya shuruudaha looga baahan yahay hirgelinta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

3) Diyaarinta iyo hirgelinta nidaamka hubinta tayada waxbarshada tacliinta sare ee la xidhiidha abuuridda jaamacadaha, kulliyadaha, diiwaangelintooda iyo nidaamka dejinta manaahijta waxbarashada tacliinta sare, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

4) Diyaarinta hab-raacyada iyo shuruudaha ay xarumaha tacliinta sare ku bixin karaan shahaadooyinka waxbarashada tacliinta sare, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

5) Diyaarinta hab-raacyo lagu xaqiijinayo hannaanka maamul-wanaagga iyo qaab-dhismeedka maamulka ee tacliinta sare, si loo sugo heerarka tayada ee xarumaha tacliinta sare ee dalka, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

6) Ka talo siinta xukuumadda hirgelinta Jaamacadaha Dawladda, ka dib marka ay sameeyaan qiimaynta baahidaasi.

7) Hirgelinta nidaam midaysan oo kor u qaadaya Maamulka Jaamacadaha iyo Kulliyadaha bixiya waxbarasho ku salaysan barnaamij tacliin sare.

8) Bixinta ruqsadaha, cusboonaysiinta iyo kala noqoshada ruqsadaha  xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

9) Ogolaanshaha iyo ansixinta codsiyada dhismaha iyo hirgelinta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay ee ay ka mid yihiin jaamacadaha iyo kulliyaduhu.

10) Ogolaanshaha iyo ansixinta codsiyada lagu furanayo laamo iyo kulliyado ay gobollada dalka ka furanayaan xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

11) Qiimaynta iyo ansixinta koorsooyinka waxbarashada tacliinta sare ee ay u soo gudbiyaan xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

12) Dib-u-habeynta iyo qiimaynta xarumaha waxbarashada tacliinta sare iyo barnaamijyada waxbarashada, si ay uga jawaabaan baahiyaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

13) Xaqiijinta heerarka koorsooyinka waxbarshada iyo imtixaanada ee xarumaha tacliinta sare ee dalka.

14) Diyaarinta qorshaha guddida ee kormeerka iyo dabagalka jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

15) Dabagalka, kormeer iyo qiimaynta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta heerarka tayada iyo siyaadaha waxbarashada tacliinta sare.

16) Dhiirigelinta xidhiidhka xarumaha tacliinta sare, si looga wada faa’iidaysto khibradda iyo aqoonta, loona wadaago cilmiga iyo iskaashiga.

17) Ka talo siinta xukuumadda deeqaha kabka ee loo qoondaynayo jaamacadaha dawladda, si ay u daboolaan baahiyahooga iyo qiimaynta kharashaadka dawladda.

18) Qabashada shaqooyinka kale ee ku xusan xeerarka dalka.

Qodobka 5aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Inuu socodsiiyo, isla markaana maamulo shaqooyinka uu u xil-saaran yahay ee Guddida.

2) Inuu metelo, kuna hadlo magaca Guddida.

3) Inuu guddoomiyo  shirarka Guddida Tacliinta Sare.

4) Inuu soo jeediyo Miisaaniyadda Guddida Tacliinta Sare, markuu kala tashado Agaasimaha Guud ee Guddida.

5) Inuu diyaariyo, isla markaana u soo bandhigo Xubnaha Guddida qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Guddida Tacliinta Sare.

6) Inuu Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ka dalbado shaqaalaha, si waafaqsan Qorshaha Guddida Tacliinta Sare.

7) Inuu diyaariyo war-bixinaha iyo xisaab-xidhada Guddida Tacliinta Sare, una gudbiyo hay’adaha ay khusayso iyo Madaxweynaha.

8) Inuu saxeexo qoraallada rasmiga ah ee Guddida Tacliinta Sare.

9) Inuu xidhiidhiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Guddida Tacliinta Sare, iyo Hay’adaha Xukuumadda, Xarumaha Tacliinta Sare iyo daneeyeyaasha kale ee Tacliinta Sare. 

10) Inuu abuuro jawi wada-shaqayneed oo u dhexeeya Guddida Tacliinta Sare iyo Hay’addaha kale ee Dawladda.

11) Inuu hirgeliyo xeer-nidaamiyayaasha ay soo saaraan Guddida Tacliinta Sare.

12) Inuu diyaariyo qaaab-dhismeedka waaxaha iyo qaybaha xafiiska komishanka, isla markaana ka ansixiyo Guddida Tacliinta Sare.

13) Inuu diyaariyo war-bixin sannadeed ku saabsan arrimaha Tacliinta Sare ee Dalka.

14) Inuu qabto shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha hawlaha shaqo ee Guddida Tacliinta Sare, si waafaqsan Xeerka Tacliinta Sare.

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Gudashada xilka Guddoomiyaha marka uu Guddoomiyuhu maqan yahay ama ay banaanaato jagada Gudoomiyaha Guddidu.

2) Wuxuu ka caawinayaa Guddoomiyaha gudashada hawlaha shaqo ee GuddidaTacliinta Sare u xil-saaran yahay.

3) Gudashada waajibaadka kale ee Guddoomiyuhu u igmado.

Qodobka 7aad

Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Guddida

1) Si ay u fududaato xilalka iyo waajibaadyada Haya’daha Xukuumadda, sidoo kalana xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, iyadoo la tixgelinayo sida ay isu qaadan karaan, waxa halkan lagu soo wareejiyay xilkii iyo shaqadii Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska, waxaana lagu wareejiyay Guddida Tacliinta Sare, si waafaqsan Qodobka 18aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr. 71/2015.

2) Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Saynisku waxa uu noqonayaa Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare, waxaana uu hoos tagayaa Guddoomiyaha Guddida.

Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waxa ka mid ah;

  1. Maamulka iyo socodsiinta hawl-maalmeedka shaqo ee Guddida.
  2. Fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Guddida.
  3. Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada tacliinta sare, iyo u gudbinta guddoomiyaha guddida.
  4. Hawl-gelinta iyo kormeerka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Guddida.
  5. Daba-galka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
  6. Maamulka miisaaniyada Guddida, iyadoo la raacayo xeerarka maaliyadda.
  7. Diyaarinta miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka Guddida.
  8. La saxeexidda guddoomiyaha qoraallada maaliyadeed ee Guddida.
  9. Qaadista hadal-qoraalka shirarka Guddida iyo kaydinta go’aamada Guddida.
  10. Diyaarinta war-bixinada Guddida.
  11. Dhaqan-galinta awaamiirta iyo go’aamada Guddida ka soo baxa.
  12. Qabashada shaqooyinka kale ee ku xusan Qodobka 25aad ee Xeer Lr. 71/2015, iyo xeerka iyo siyaasadaha Tacliinta Sare ee Qaranka.

Qodobka 8aad

Shirarka Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare wuxuu yeelanayaa shirar caadi ah iyo shirar aan caadi ahayn.

2) Shirarka Guddida waxaa guddoominaya guddoomiyaha, haddii uu maqan yahayna guddoomiye ku-xigeenka.

3) Shirarka Guddida Tacliinta Sare waxay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan shan xubnood, waxayna go’aamadoodu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

4) Agaasimaha Guud oo ah Xoghayaha Guddida, wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra’yi iyo talo balse kuma laha cod.

Qodobka 9aad

Guddi-Hoosaadyada Guddida Tacliinta Sare

Guddida Tacliinta Sare waxay yeelan karaan guddi-hoosaadyo ay ka mid yihiin;

Guddi-hoosaadka Kormeerka, Guddi-hoosaadka Siyaasadaha Tacliinta Sare, Guddi-hoosaadka Hubinta Tayada Tacliinta Sare (Quality Assurance Sub-committee for Higher Education), iyo Guddi-hoosaadyada kale ee ay u arkaan lagama-maarmaan xil-gudashada hawlahooda.

Qodobka 10aad

Qaybaha Xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare

1) Qaybaha Xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare waxay u qayb samayaan;

  1. a) Jaamacado (Universities)
  2. b) Kulliyado (Colleges), iyo
  3. c) Mac’xaddo (Institutes).

2) Xarumaha Lagu bixinayo Taclinta Sare waxay noqon karaan kuwa Dawladeed ama kuwa gaar loo leeyahay oo kala ah;

  1. a) Xarumaha Taclinta Sare ee ay Dawladdu leedahay (Public Higher Education Institutions).
  2. b) Xarumaha Taclinta Sare ee Gaar ka loo leeyahay (Private Higher Education Institutions).
  3. c) Xarumaha Taclinta Sare ee laga soo dhambalay Jaamacado ay wadama kale leeyihiin (Foreign Higher Education Institution Branch Campuses).

Xeer Madaxweyne Lr. 10/012021

Aas-aaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

 Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin iyo kaalinta beeruhu ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soo-saarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay:  Baahida loo qabo Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha oo ka masuul noqonaya cilmi-baadhista, daraasadda  iyo kobcinta awoodda beeralayda dalka;

Markaan Arkay:  Kaalinta iyo doorka uu Mac’hadku ka qaadan karo kobcinta iyo dhiiri-gelinta wax-soo-saarka beeraha dalka iyo fidinta hababka casriga ah ee wax beerista;

Markaan tix-galiyay:  Ahmiyadda weyn ee Mac’hadkani u yeelan karo hirgalinta wax-soo-saarka beeraha oo ku salaysan aqoon iyo cilmi-baadhis casri ah;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad

Dhismaha Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

1) Waxa halkan lagu aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, kaas oo noqonaya Mac’had gaar ah oo qaabilsan cilmi-baadhista iyo daraasaynta wax-soo-saarka beeraha dalka.

2) Mac’hadku waxa uu noqonayaa hay’ad Dawli ah oo madax-bannaan, waxaana uu yeelanayaa jiritaan qaanuuni ah iyo shaambad u gaar ah, waxaana uu ku dacwayn karaa, laguna dacwayn karaa magaciisa, sidoo kalena ku qabanayaa hawlaha khuseeya shaqadiisa.

3) Mac’hadku waxa uu hoos imanayaa (Line Ministry) Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Qodobka 2aad

Ujeeddada Mac’hadka

Ujeeddada loo aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waa:

1) In uu horumariyo wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyada oo la raacayo cilmi-baadhis.

2) In lagu dhiso qaab-dhismeed Dawli ah oo kobciya aqoonta beeralayda, isla markaana ku tababara beeralayda farsamooyinka falashada beeraha, iyadoo lagu salaynayo deegaannada beer roobaadka, beeraha waraabka iyo deegaannada u nugul abaaraha.

3) In uu sameeyo daraasado iyo cilmi-baadhis lagu curinayo tiknoolajiyad casri ah oo lagu horumarinayo beeraha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalagyada beeraha, loona gaadho isku filnaasho dhinaca cuntada ah.

4) In uu xidhiidhiyo, isla markaana isku duwo hawlaha cilmi-baarista ee xarumaha cilmi-baadhista iyo jaamacadaha, sidoo kalena fuliyo natiijada climi-baadhista.

5) In uu noqdo xarun cilmi-baadhiseed iyo maktabad ururisa mac’luumaadka guud ee la xidhiidha arrimaha beeraha.

6) In uu bixiyo adeegyada la-talinta ee dhinacyada cilmi-baadhista iyo tababarka beeraha.

7) In uu ku tababaro shaqaalaha beeraha iyo beeralayda habka fidinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha ee casriga ah.

Qodobka 3aad

Shaqooyinka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Shaqooyinka Mac’hadka cilmi baadhista waxa ka mid ah:

1) Diyaarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

2) Diyaarinta qorshe hawleedka iyo barnaamijyada cilmi-baadhista beeraha iyo hirgelintiisa.

3) Go’aaminta mudnaanta cilmi-baarista, iyadoo lagu salaynayo siyaasadaha dalka ee horumarinta beeraha.

4) Qabashada cilmi-baadhista horumarinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyadoo lagu salaynayo siyaasada iyo istiraatiijiyadda cilmi-baadhista beeraha.

5) Abuuridda xarumaha cilmi-baadhista beeraha ee gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo loo eegayo ku haboonaanshaha carrada iyo deegaanka.

6) Ka qayb qaadashada kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada dadwaynaha iyo gaar ahaan beeralayda ee la xidhiidha hirgelinta natiijooyinka cilmi-baadhista iyo fidinta habka beer falashada.

7) Ururinta, habaynta iyo faafinta mac’luumaadka la xidhiidha hawlaha cilmi-baadhista beeraha ee dalka.

8) Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha.

9) Kor u qaadidda aqoonta beeralayda ee ka faa’iideysiga khayraadka biyaha iyo waraabka iyo habsami u isticmaalka biyaha.

10) Daraasaynta iyo qiimaynta saamaynta abaaruhu ku yeeshaan wax-soo-saarka beeraha iyo soo-jeedinta xalkooda.

Qodobka 4aad

Qaab-Dhismeedka Mac’hadka

Qaab-Dhismeedka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa uu ka kooban yahay;

1) Guddiga Sare ee Mac’hadka,

2) Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka,

3) Xarumaha Cilmi-baadhista, iyo

4) Waaxaha & Shaqaalaha kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’haka.

Qodobka 5aad

Xubnaha  Guddida Sare ee Mac’hadka

Guddiga Sare ee Mac’hadka waxa magacaabaya Madaxweynaha JSL, waxayna ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah:

1) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha                        =Guddoomiye=                             

2) Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista ee W/H/ Beeraha           =xubin=

3) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa        =xubin=

4) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Camuud          =xubin=

5) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Burco              =xubin=

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddida Sare ee Mac’hadka waxa ka mid ah:

1) Diyaarinta siyaasaddaha lagu hagayo Mac’hadka ee ka turjumaya jihada uu u socdo Mac’hadku iyo sida loo hagayo.

2) Kormeeridda hawlaha shaqo iyo habsami u isticmaalka miisaaniyadda Mac’hadka.

3) Ansixinta Qaab-dhismeedka iyo Qorshaha Mac’hadka.

4) Xaqiijinta in mac’hadku u fuliyo hawlihiisa shaqo si habsami ah.

5) Ansixinta aas-aasidda xarumaha cusub ee cilmi-baadhista, marka uu Agaasimaha Fulintu soo gudbiyo.

6) Raadinta dhaqaale uu ku hawl-galo mac’hadku, iyo.

7) Fulinta hawlaha kale ee ku xusan xeerarka dalka ee khuseeya shaqadooda.

Qodobka 7aad

Shirarka Guddida

1) Guddida Sare ee mac’hadku wuxuu yeelanayaa shirar caadi ah iyo shirar aan caadi ahayn.

2) Shirarka Guddida waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Guddida.

3) Shirarka Guddidu waxay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan afar xubnood, waxayna go’aamadoodu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

4) Agaasimaha Fulintu waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida, wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra’yi iyo talo, balse kuma laha cod.

Qodobka 8aad

Agaasimaha Fulinta Mac’hadka

1) Agaasimaha Fulinta Mac’hadka waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha JSL.

2) Agaasimaha Fulinta Mac’hadku waa in uu noqdo qof leh khibrad la xidhiidha ujeeddooyinka loo aas-aasay Mac’hadka (maaraynta iyo cilmi-baadhista).

3) Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah:

  1. a) Maamulka iyo socod-siinta hawl-maalmeedka shaqo ee Mac’hadka, isaga oo ku shaqaynaya siyaasadaha Qaran ee Mac’hadka.
  2. b) Metelaada iyo ku hadlidda Magaca Mac’hadka.
  3. c) Fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Mac’hadka.
  4. d) Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada cilmi-baadhista ee Mac’hadka.
  5. e) Hawl-gelinta iyo kormeerka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Mac’hadka. iyo xarumaha cilmi-baadhista.
  6. f) Magacaabidda shaqaalaha Mac’hadka, isaga oo u eegaya khibradda iyo aqoonta ay u leeyihiin booska loo magacaabayo, si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Dawladda.
  7. g) Maamulka miisaaniyadda Mac’hadka, isagoo u raacaya xeerarka maaliyadda.
  8. h) Diyaarinta miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka Mac’hadka.
  9. i) Diyaarinta war-bixinaha Mac’hadka.
  10. j) Dhaqan-gelinta awaamiirta iyo go’aammada Guddiga ka soo baxa.
  11. k) Qaadista hadal-qoraalka shirarka Guddida iyo kaydinta go’aammada Guddida.
  12. l) Xidhiidhinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Mac’hadka.
  13. m) Qabashada shaqooyinka kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’hadka.

Qodobka 9aad

Xarumaha Cilmi-baadhista

1) Xarunta cilmi-baadhista beeraha ee ABURIIN iyo dhulka ay ku taalo waxa yeelanaya Mac’hadkan.

2) Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa kale oo uu ku yeelan karaa xarumo cilmi-baadiseed degmooyinka dalka, si uu u fuliyo hawlihiisa la xidhiidha daraasaynta iyo cilmi-baadhista beeraha.

Qodobka 10aad

Xidhiidhka Wasaaradda Horumarinta Beeraha & Mac’hadka

1) Mac’hadka cilmi-baadhista beeruhu waxa uu u gudbinayaa siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha ee uu diyaariyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, si uu u ansixiyo.

2) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxa uu ka hawl-galayaa sidii mac’hadka loogu raadin lahaa dhaqaale uu ku fuliyo hawlihiisa shaqo.

3) Mac’hadku waxa uu wasaaradda u gudbinayaa war-bixinaha la xidhiidha wax-qabadkiisa.

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Mac’hadka tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. Sidoo kale Mac’hadku wuxuu ku war-gelinayaa Wasiirka hawlaha uu u arko in ay ku jirto danta Qaranka ee la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha dalka.

Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

Xafiiska Diiwaanka Sekada 

Markaan Arkay:   Qodobada 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada   Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobada 12aad, faqradiisa 7aad ee Dastuurka Jamhuuriyada   Somaliland;

Markaan Arkay:  Muhiimadda ay leeyihiin beeraha iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soosaarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay:  Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumada iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr.71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laamaheeda shaqooyinka,

Markaan Arkay;  In Sakadu ay tahay qaab maaliyadeed oo cibaado ah, taasoo waajib looga dhigay Muslimiinta, isla markaana ah aasaaska nidaamka dhaqaalaha Islaamka, kana mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan laalo Xeer Madaxweyne Lr. 0460/032015, kuna taariikhaysan 07/03/2015 ee lagu aas-aasay Xafiiska Diiwaanka Sekada.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta Xafiiskii Diiwaanka Sekadu uu noqdo Waax ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

3) In Waaxda Diiwaanka Sekada ee Wasaaradu ay ka masuul noqoto;

  1. a) ku-wacyi gelinta bulshada in Sekadu tahay hannaan maaliyadeed oo Islaami ah, taasi oo ah waajib la xidhiidha in qofku ka bixiyo hantidiisa sannad kasta qadarka sekada ah ee ku waajibay.
  2. b) Ka-guddoomidda qofka bixinaya qadarka sekada ee ku waajibay.
  3. c) Cayimidda iyo ku dhawaaqidda sannad kasta waqtiga loo qoondeeyay guddoomidda, ururinta, qaybinta iyo maamulka sekada, si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada shacabka.
  4. d) U-qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada, si loo cidhib tiro saboolnimada.
  5. e) Ku-wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada iyo in bixinta sakadu ay daahirinayso, kordhinayso oo barakaynayso hantida qofka muslimka ah.
  6. f) Dhigidda sekada xisaabta Xafiiska ee baanka dhexe ee Somaliland.
  7. g) Hawlaha kale ee Wasiirka Wasaaraddu u xil-saaro.