Dagaal culus oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose

Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose
Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Aftahannews) – Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.

Dagaal oo ah mid culus oo saameyn ku yeeshay inta badan xaafadda degmada ayaa ka bilowday xaafadda lagu magacaabo Muuri, kaddib markii la sheegay in labada dhinac isku maandhaafeen isbaaro la shiggay gudaha degmada.

Axmed Cabdi Maxamed oo qeyb ka ah dhinacyada dagaalamaya ayaa sheegay in ay n uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Walanweyn oo ciidamo wata.

Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose
Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ciidamada militariga dowladda ee ku sugan degmada isku dayeen in ay arinta soo fara galiyaan laakiin waxba ka qaban waayeen.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo dhinaca guddoomiyaha degmada ee eedeynta loo jeediyay.

Wanlaweyn waxaa marar badan oo hore sidan uga dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo u abaabulan hab beelleed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.