Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka

Addis Ababa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaali Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa halkaasi kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan.

IMG_02611

IMG_0243 IMG_0246 IMG_0276 IMG_02611

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulankooda waxa ay uga arrinsadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso sidii dowladda Maraykanka ay u xoojin lahayd taageerada  ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Mr John Kerry oo lahadlay markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ayaa tilmaamay in Xukuumadda Washington ay xoojin doonto taageero dhinac walbo leh oo ay siineyso dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ay iminka ku talaabsatay horumar la taaban karo.

Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka.

IMG_0243 IMG_0246IMG_0256 IMG_0261 IMG_0276

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.