Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay saxeexday wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Muqdisho (Aftahannews) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay arrimaha Shidaalka ee aadka loo hadalyay toddobaadkaan, wuxuuna xaqiijiya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

y in ayna jirin wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya oo lala saxeexday shirkaddo ajanabi ah.

“Cid wax lala saxeexday ma jirto shirkaduhu waa imaan karaa waana yimaadaan, qaarbaa maalin dhawayd yimid wadahadalo la wada galay,wax hadda la saxeexayna ma jiraan. Waxaa la saxeexi markii annagu oggolano, dowladdu jaranjaro ayay leedahay markii sharci la samaynayo jaranjaradaas marka ay soo dhammaato ciddii wax saxeexaysay ayaa saxeexaysa”. Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay arrimaha deyn cafinta, isagoo tilmaamay in hannaanka Maaliyadda dowladda dib-u-habaynta badan iyo horumarka laga sameeyay dhawrkii sanno u la soo dhaafay.

Diiwaan gelinta shaqaalaha dowladdu ayuu sheegay in ahayd taallaabo horumar wayn laga sameeyay si loo saxo hannaan bixinta musharaaradka shaqaalaha rayidka iyo kharashaadka Hay’adda dowladda ee kala duwan.

Waxa uu sheegay sidoo kale wax soo saarka dakhliga gudaha inuu kordhay sanadihii u dambeeyay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee Baarlamaanka uu dhawaan ansixiyay ay gaadhay 860 milyan oo doollar sanadkan 2021.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya uu meel wanaagsan marayso, Deyntii Soomaaliya lagu lahaana badh laga cafiyay inta hartayna qorshuhu yahay in la cafiyo wakhtiga lagu heshiiyay ee 2022-23 haddii dowladda Soomaaliya sharuudaha iyo heshiisyada Deyn cafinta ay ka soo baxdo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.