Maxay ka wadahadleen Wasaaraddaha Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha Somaliland?

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxaa ka qabsoomay kulan dhexmaray Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xog iswaydaarsiga iyo wada shaqaynta labada wasaaradood, waxaana diirada lagu saaray kulankaasi intuu socday qodobo ay ka mid yihiin:-

1. Dardar gelinta shaqo maalmeed-ka isuduwayaasha Gobolada iyo xoojinta wada shaqayneed ee isuduwayaasha Gobolada iyo Gudoomiyaasha Gobolada dalka.

2. Daba galka habsami u socodka Mashaariicda JPLG.

3. Isticmaalka nidaamka xisaabeedka dawladda (SLFMIS) ee Dawladdaha hoose.

4. Maamul daadajinta Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Dhamaan qodobadaas oo kor u qaadaya arrimaha nabadgalyada iyo koboca dhaqaale ee dalka ayaa lagaga hadlay kulanka.