Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Mambasa ee dalka Kenya iyo Khasaaraha ka dhashay

Mombasa(Aftahannews):- Tiraba saddex Qarax oo kala duwan, ayaa lagu soo warramayaa inuu caawa oo Axadi soo galay abbaaro sagaalkii habeennimo iyo dheeraad ka dhacay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta Waqooyi-galbeed ee waddanka Kenya, kaasoo la sheegay in illaa iyo siddeed qof ku naf-waayeen.

bth_Breaking-News

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya, dhimashada qaraxaasi sababay,  ayaa kor u kacday, isla markaana ay sheegeen inay marayso illaa siddeed ruux, kuwaasoo ku dhintay saddex qarax oo ka dhacay magaalada Mombasa.

Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan Basaska Shirkadda Chania, kaasoo ka sheqeeya inta u dhexeyso Mombasa illaa magaalada Thika ee isla waddanka Kenya. Waxay wararku intaas ku dareen in dad ay ku dhaawacmeen qaraxyadaas ka dhacay magaalada Xeebta ku taalla ee Mombasa.

Qarax kale ayaa ka dhacay Huteel ku yaalla Xeebta Nyali, balse lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay toona. Ma jirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxaanay imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgalo ballaadhan oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda dalkaasi sheegtay.

Hawl-gallada ay Ciidanka Aammaanka ee Kenya bilihii u dambeeyey wadeen ee la xidhiidha dhinaca nabadgelyada sida ay Kenya sheegtay, ayaa ah kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsado dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku dhaqan oo ay tacaddiyo badan ku hayaan Booliska Kenya oo dawladdoodu raalli kaga tahay dhibaataynta Soomaalida.

Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed ee Qaxoontiga ku ah dalka Kenya, ayaa sababtay inay xiisad siyaasadeed ka dhex-dalato dawladaha Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana gaadhay heer ay Booliska Kenya xidhaan Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyey Nairobi, taasoo sababtay inay dawladda Federaalka Soomaaliyana u yeedhato Safiirkii iyo Qunsulkeedii u fadhiyey xarunta dalka Kenya ee Nairobi, inkasta oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in wadahadallo u socdaan labada dhinac.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.