Trump oo war cusub kasoo saaray weerarkii Congress-ka, kuna dhawaaqay arrin cusub

Donald Trump
Donald Trump

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya, Donald Trump ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo, kadib markii ay fashil kusoo dhamaadeen xeeladihiisi u dambeeyay.

Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo maalin ka hor laga mamnuucay, ayaa markii u horeysay muujiyay sida uu uga cadhaysan yahay rabshadihii maalintii Arbacadii ka dhacay xarunta Kongareeska oo ay xoog ku galeen taageerayaashiisa.

Waxaa uu sheegay in dibad-baxayaashii galay xaruntaas ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda uu ku faano Mareykanka.

Trump ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay “xil wareejin sharciga waafaqsan”, waxaana uu xusay in Madaxweynaha cusub la caleema saari doono 20-ka bisha Janawry, sidii hore loogu balansanaa.

Donald Trump
Donald Trump

Waxa kale oo uu ku baaqay in la sameeyo wax uu ugu yeedhay “dib u heshiisin”, midaasi oo lagu tirtirayo xanaftii ka dhalatay doorashadii Joe Biden.

Hadalka Trump ayaa imanaya saacado un kadib markii xildhibaanada labada aqal ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo ka hor inta aanu wareejin, kadib dhacdooyinkii abaabulnaa.

Mareykanka ayaa diiwaan-geliyay dhiilo bar madow ah, taasi oo ay ku kaceen taageerayaasha Trump oo uu gadaal ka riixayay, kadib markii ay xoog ku galeen xarunta Koongareeska oo xiligaas ay ka socotay meel-marinta guusha Biden.

Munaasabaddaas meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.