Galmudug: Al-shabab oo la wareegay Deegaanka Cimaamad

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Warar laga helayo deegaanka Cimaamad oo deegaanka Wisil u jira 15KM ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la wareegay Malayshiyad ka tirsan Al-Shabaab, ka dib iska horimaad kooban oo dhaxmaray dadka deegaanka Iyo Al-shabab.

Dadka deegaanka Wisil oo VOA ay la xidhiidhay ayaa waxa ay u sheegeen in deeganka Cimaamad oo kamid ah deeganada hoostaga Bacadweyne aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhicii xalay.

Al-shabaab
Al-shabaab

Dadka ku dhaqan deegaanada Bacadweyne, Shabelow iyo Cimaamad ayaa horay dagaal ula galay Al-shabab ka dib markii ay ka biyo diiden fulinta ammarada Al-shabab ay dadka deegaanka kaga dalbanayeen bixinta xoolaha ay ugu yeereen sakada.

 

VOA