Warqad Furan oo ku socota Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland

Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland waa hayada loo baahnaa isla markaan in badan la nawilayay oo waxqabdkiisa ay sugaysay bulshada dalka oo dhan gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimada dalka ee Hargaysa.

Komishankan oo shaqdiisu tahay inay hoos yimadaan dhamaan shirkadaha bixiya adeega korantada (laydhka) ayaa waxay Bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland baahi weyn  uqabaan inay helaan adeeg koranto oo dhamaystiran islamarkaana qiimo jaban.

Adeega korantada Caasimadu waxaa uu kooto ugu xidhanyahay Shirkad gaar loo leeyahaya oo la yidhaa Sompower.

Sompower waa shirkad ka kooban shirkado yar oo isku tagay taas oo ay ku jirto Hayadii korantada Dawladu oo ay ku wareejisay xukuumadii hore ee madaxweyne silanyo iyadoo isla xukuumadaasina kootada uga xidhay laydhka caasimada inaanay shirkad qudhaati xadhig cusub jiidi Karin ama aanay dab cusub keeni Karin meel aanu hore dabkeedu u joogin ama aanu uga shaqayn jirin shirkadii falkaa ku kacadana ay ku dhacaday danbi, markii ay wareegtadaasi soo baxdayna waxay fursad siisay shirkada Sompower madaama oo ay ahayd shirkada ugu balaadhan ee korantada ugu badan siisa bulshada ku dhaqan caasimada koonayaasha magaaladu u sii fidaysana shirkada qudhaata ee la sii fidaysana waa Sompower madaama iyada oo qudhaata laga helaya koonayaasha magaalada.

Fursadaha kale ee ay heshay Shirkadan kootada loogu xidhay laydhka caasimadu waxaa ka mid ahayd kadib markii ay doorashadii madaxtooyadu dalka ka dhacaday dabyaqadii 2017 taas oo uu  talada dalaka ku gulaystay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uu wasaaradii Tamarta iyo macadanta  uu usoo magacaabay Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Shirkada korantada ee Sompower Ka dib markii wasiirka la magaacabay waxa  uu fursad uu siiyay shirkadii uu ka tirsanaa in ay soo dajisato sollar ay kadhaliso laydhka islamarkaana ay rakibato oo ay xadhiga solarka dabka ka qaadayana ay u qaybiso magaalada si uu dhimo qarashkii faraha badanaa ee kaga bixi jiraya shidaalka ay korantada ka dhaliso  sidoo kalena wuxuu dagaal cad ku qaaday shirkadihii kale ee Adeega laydhka bixin jiray ee iyaguna  lasoo dagay solarnka wuxuu iska hortaagay inay ka shaqaysiyaan qalabka ay la soo dageen ugu danbayntiina waxa uu gaadhay dagaalkii Wasiirku kula jiray shirkadahaa kale  heer uu joojiyo wadshaqaynta wasaaradu la lahayd qaar ka mid ah shirkadahaas.

Maxay Tahay Fariinta aan u dirayo Komishanka Tamarta

1: inay soo celiyaan xoriyadii laydhka ee ahayd in meelkastoo magaalada ah laga helo shirkado tartan ku jira oo bixiya adeega korantada.

2: Inay dhex u noqdaan Shirkada bixiya adeega korantada oo aanay midna garabka saarin

3: Inay sameeyaan xeerar kala hagaya shirkadaha korantada bixiya.

4: Inay hindisaan qaab cusub oo ay shirkaduhu u fidiyaan adeegooda korantada oo aan ahayn qaabkan ay magaaladu xagga sare ka dabaysan tahay.

5: Inay ka shaqeeyaan sidii Bulshada Caasimadu u heli lahayd Adeeg koranto oo dhamaystiran islamarkaana qiimo jaban ay ku helaan.

6: inay ka shaqeeyaan sidoo loo hubin lahaa xirfada Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha bixiya Adeega Kornatada dalka. 

 

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine