Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulmay

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xafiiska ku qaabilay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhinaca kalana ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha doorashada Soomaaliya iyo  tabashada ay qabaan midowga musharixiinta iyadoo kulan uu qeyb ka noqonayo baaq uu horre Ra’iisal wasaaruhu ugu jeediyay dhinacyada ka soo horjeeda oo uu ballanqaaday in uu ka qancin doono dhamaanba doodda ay ka qabaan doorashada.

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdishuur oo qoraal kooban soo dhiggay bartiisa Facebook  ayaa sheegay in ay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ka wada hadleen arrinta guddiyada doorashada, Gedo iyo waliba guddiyada Gobollada ka soo jeeda Somaliland ee wali lagu muransan yahay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay isla soo qaadeen Ra’iisal Wasaaraha xoriyada midowga musharixiinta iyo ololahooda doorasho iyadoo waayadii ugu danbeeyay dowladdu cadaadis weyn saartay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha iyo mid ka mid ah xubnaha ugu firfircoon midowga musharixiinta oo ah siyaasi mar walba siweyn u naqdiya dowladda iyo tallaabooyinka ay qaaddo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.