Yaa ka danbeeyay weerarki xagga internetka ee lagu qaaday Mareykanka?

Global Hack
Global Hack

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Salaasadii sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Global Hack
Global Hack

Warkan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baadhitaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hay’ado kale oo ay budhcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aysan muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi hore ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.