Suudan oo dib u qabsatay dhammaan dhulkii ay ka haysatay Ethiopia

Suudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Suudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay u soo qaxaan Suudan.

Sabtidii, Suudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee ayna si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Suudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.

Saraakiisha Suudan ayaa sheegay in Ethiopia ayna si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Salaasadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.