Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo Kaah Huteel gubay

Hargeysa(Aftahannews):- Dab xooggan oo illaa abbaaro shanti iyo dheeraad galabnimo ee Sabtida maanta ka kacay Kaalinta Shidaalka ee Huteelka Kaah oo ku yaalla dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhaawaca illaa saddex qof inta la ogyahay iyo gubashada hanti badan oo isugu jirta shan Gaadhi, qaybta Super-marked-ka Kaah, Kaalinta iyo Booyad la sheegay in dabku ka dhashay oo Shidaal ku shubaysay Kaalinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Bulshada Maxamed Muuse Galaydh iyo Xubno kale, Ciidammada Ammaanka iyo dhawr Baabuur oo isugu jira laba Dab-demis, Booyadaha Shacabka iyo dadweyne tiro badan oo kala duwan, ayaa u gurmaday oo gaadhay goobtaas, isla markaana ka qayb-qaatay deminta Dabkaas oo muddo socday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo goobtaas oo dabku ka hulcayo Warbaahinta kula hadlay, ayaa xaqiijiyey inta uu hubo in saddex qof ku dhaawacmeen dabkaas, isla markaana illaa shan gaadhi, Booyadda Shiidaalka ku shubaysay Kaalinta iyo qaybta Dukaanka ah ee Huteelka Kaah oo Kaalintu ku hortaallay ay shuf-beeleen oo ay gubteen.

Waxa uu Taliyaha Boolisku intaa ku daray in la baadhi doono sababta dabkaa Kaalinta Shidaalka ee Huteelka Kaah ka kacay dhaliyey, isla markaana la ogaan doono khasaaraha guud ee Naf iyo Maalba leh ee ka dhashay Dabkaas galabta fiidkii halakeeyey qaybta Shidaalka iyo Dukaanka ee Huteelka Kaah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Muuse (Galaydh), oo ka qayb-qaatay bakhtiinta Dabkaas, ayaa isagoo xiiqsan sheegay in loo sheegay in Booyad Shidaal ku shubaysay Kaalinta uu dabku ka dhashay, isla markaana uu Indhihiisa ku arkay illaa Baabuur Shan ka badan oo yaallay Baarkinka hore ee u dhexeeya qaybta Kaalinta iyo Huteelka oo gubtay.

Weriyeyaasha Huteelka Kaah ee qaybtiisa hore ee Shidaalka dabku ka kacay booqday, ayaa sheegay iyaguna inay sidoo kale indhohooda ku soo arkeen tiraba illaa shan Baabuur oo kuwa yar-yar ee Raaxada ah oo u badnaa nooca Indha-caddaha loo yaqaan iyo Crawn-ka ay oo Ololka dabku gaadhay oo gubanaya. Aftahannews.com kala soco wixii warar ka soo kordha khasaaraha Dabkaasi geystay.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.