Somaliland: Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Loo Doortay Hoggaan Cusub

Hargeysa (Aftahan) – Shirweynihii 7aad ee ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa lagu doortay guddiga saddexda sano ee soo socda hoggaamin doona ururkaasi.

Shirka oo ay ka qayb galeen ergooyin ka kala socday gobollada dalka, marti sharaf iyo kor joogayaal ayaa waxaa hagayay shirka xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa Guddoomiye Maxamed Axmed Jaamac (caloolay), Mustafe Sheekh cumar geeddi iyo Shugriya cabdillaahi oo shalay doorteen Ergooyinka Shirku.

Gelinkii hore ee maanta waxaa ay ergooyinku ka doodeen wax ka beddelka iyo kaabista dastuurka Ururka, balse falanqayn iyo dood kadib, waxaa  in badan oo ka mid ah ergooyinku tilmaameen in khaladaad badani ku jiro dastuurka, sidaa awgeed loo baahan yahay in wakhti intan ka badan la siiyo sixitaanka Dastuurka, waxaana gebogabadii la isla qaatay oo ay ergada Shirku isku raaeen

in dib loo dhigo ansixinta dastuurka ururka, sidaana waxaa loo yeelay in hoggaanka cusub ee maanta la doortay ay dib u eegis iyo naaqishaad ku sameeyaan.

Dastuurka ayaa waxaa lagu ansixin doonaa shir aan caadi ahayn ama shirweynaha dambe ee ururka.

Intaasi ka dib, waxa mid mid loogu codeeyay oo la doortay hoggaanka cusub ee ururka SOLJA saddexda sanadood ee soo socda Maamulaya, kuwaasi oo ka kooban 15 Xubnood.

Xubnaha hoggaanka loo doortay ee ka kooban 15-ka xubnood ayaa waxay kala yihiin.

  1. Sakariye Axmed Muxumed
  2. Cabdillaahi xuseen Darwiish
  3. Cabdifataax Ismaa ciil Mursal
  4. Cabdiqaadir Nuur Dacar
  5. Cabdi Xasan cabdi
  6. Ridwaan caydiid Ismaaciil
  7. Carraale Maxamuud Jaamac
  8. Maxamed Guraase
  9. Maxamed Faarax coomaade
  10. Muna Ibraahim Dhakhtar
  11. Raxma cabdillaahi Maygaag
  12. Muna Toosane
  13. Faysal Aadan Maxamed (Fifa)
  14. Xamse cali Bulbul
  15. Ibraahim Faarax Macaaneeye.

Markaasi ka dib, waxa Guddiga fulinta ee Shir-weynaha lagu doortay ay yeesheen shir gaar ah, waxayna iska dhex doorteen Guddoomiyaha SOLJA ee 3-da sanadood ee soo socda, kaasi oo loo doortay Sakariye Axmed Muxumed, Guddoomiye ku-xigeen oo loo doortay cabdillaahi Xuseen Darwiish,halka Xoghayaha SOLJA loo doortay Maxamed Guraase.

 

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office