Bannaanbax Lagaga Soo Horjeedo Sicir-bararka Muceeshadda iyo Doollarka oo Laascaanood Gilgilay

Laascaanood (Aftahannews) – Bannaanbax lagaga soo horjeedo sicir bararka, ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.

Banaannbaxan ayaa waxa soo abaabuley ganacsatada yaryar, kuwaas oo ka cabanayey sicir kordhin ay sheegeen inay ku timid lacagta shilinka Soomaaliga.

Mudaharaadayaasha, ayaa xooga saaray ganacsatada waaweyn ee iyagu wax soo dejiya kuwaas oo ah kuwa bilaaba joojinta iyo sicir bararka lacagta shilinka Soomaaliga oo ay sheegeen in marba marka ka danbaysa kor u sii kacayso.

Kumanaan ciyaal ah ayaa wadooyinka ku faafay iyagoo dhagaxaan dhigay goobta ganacsi ee albaabkeeda la furo, kuwaas oo sababay in dhamaan wadooyinka waaweyn la xidho.

Bannaan-baxayaasha ayaa muujiyeen sida ay dhibaatadda ugala kulmeen isticmaalka lacagta shilling Soomaaliga iyo sida ay ugu baahan yihiin lacagta shillinka Somaliland.

Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa la arkaayey iyagoo kala dareerinaya dadka isku soo baxay, inkasta oo mararka qaarkood ciidanka laftiisa ay u gacan qaadayeen hadana ma jirin wax jawaab ah oo ciidanku bixiyeen waxaana mararka qaarkood ay isku deyayeen sidii ay u kala dareerin lahaayeen dadkaasi taas oo inteeda badani u suuragashay.

Ganacsatada wax soo dejisa ayaa sheegaya in aanay hayn meel ay lacagtan geeyaan, waxana ay ku cudur daaranayaan inta xal loo helayo ay ku adag tahay in ay qaataan.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Sool ayaa ka Hadley banaanbaxan ka dhacay magaalada Laascaanood ee dhigeen ganacsatada yaryar ee magaalada ee ay kaga soo horjeedeen sicir bararka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.