Maraykanka oo laga helay kiiski ugu horreyay ee fayraska cusub

fayraska cusub ee COVID-19 oo laga helay Mareykanka
fayraska cusub ee COVID-19 oo laga helay Mareykanka

Washington (Aftahannews)- Kiiski ugu horreeyay oo la xidhiidha nooca cusub ee cudurka COVID-19 ee maalmahan ka jiray dalka Ingiriiska, ayaa shalay marki ugu horreysay laga helay dalkan Mareykanka.

Qofka laga helay fayrasakan ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada, waxana hadda lagu karantiilay dhinaca koofurbari ee magaalada Denver. Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, wiilkani ayaanan u safrin meel ka baxsan Mareykanka.

Sheeybaadhka Waaxda Caafimaadka gobolka Colorado ayaa xaqiijiyay kiiska cusub ee la xidhiidha cudursidahan. Sheybaadhka ayaa arrintani ogeysiiyay Xarunta Kahortagga iyo Xakameynta Cudurrada ee dowladda Federaalka Mareykanka.

 fayraska cusub ee COVID-19 oo laga helay Mareykanka

fayraska cusub ee COVID-19 oo laga helay Mareykanka

Guddoomiyaha gobolka Colorado, Jared Polis ayaa ku dhawaaqay kiiskani cusub isaga oo sheegay in si hoose ay ula socon doonaan fayraskan.

Wuxuu intaasi raaciyay in hadda aan xanuunkani wax badan laga aqoonin balse ay dhakhaatiirta u sheegeen in uu si dhakhso ah u fidi karo.

Saynisyahannada dalka Britain oo marki ugu horreysay xanuunkani helay ayaa rumeysan, in xawaaraha uu ku fido cudurkaan uu ka dheereeyo marka loo fiirayo cudurksidaha Caronavirus.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.