Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo shirar gaar gaar ah ka billaabay Garoowe

Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya
Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya

Garoowe  (Aftahannews) – Murrashixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah ka billaabay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaas oo ay u  yimaadeen shirka hay’adda Heritage ku qabanayso.

Afhayeenka murashixiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kulankooda ugu horeeyay in ay la qaateen madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen dareenka ku xeeran doorashada.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ay madaxweyne Axmed Madoobe iskusoo hadal qaadeen arrimaha ka taagan Gedo, iyagoo ku taageeray in loo madax bannaaneeyo inuu maamulo doorashada ka dhacaysa Gedo.

Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya
Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya

Ridwaan Xirsi wuxuu sidoo kale sheegyay in ay la kulmidoonaan madaxda kale ee ku sugan shirka Garoowe ayna rajo weyn ka qabaan in shirka Heritage ay kasoo baxaan tallooyin dhaxagal ah.

Xukuumada federalka Soomaaliya ayaa shirkan u dirtay wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guleed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.