Hargeysa: Hooyo iyo Carruur ay dhashay oo dil lagu xukumay

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa xukun dil ah ku ridday maanta oo Sabti ah Hooyo iyo Saddex Carruur ah oo ay dhashay, ka dib markii uu ku caddaaday inay fuliyeen dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Meydkeeda labadii bishii saddexaad ee sannadkan laga helay Deyrka gurigooda oo ku yaalla Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA GOBOLKA HARGEYSA FAYSAL DHAGA-DHAGO

maxkamadda

Xaakinka gacanta ku hayey kiiskan, ayaa maanta ku dhawaaqay xukunka Maxkamaddu ku ridday Hooyo Muuna Maxamed Cabdillaahi iyo saddex Carruur ah oo ay dhashay oo uu sheegay inay Maxkamaddu qisaas dil ah ku xukuntay, halka laba Ruux oo kale oo mid ka mid ahi ka tirsan tahay Carruurta ay dhashay Gabadha la xukumay iyo Nin Booliska Marin-habaabiyey, sida uu Xaakinku sheegay.

Halkan hoose codka Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Faysal Maxamed Cabdillaahi (Dhaga-Dhago) ku sharraxayo xukunka ay rideen, inta qof ee la xukumay, inta la sii daayey iyo qodobbada ay Maxkamaddu u cuskatay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.