Tilmaamo iyo Talooyin muhiim u ah Ka Hor-tagga Xannuunka Covid-19 oo ay soo saartay Hay’adda WHO

ENG Maxamuud Saleebaan Eidle WHO iyo covid19.jpg
ENG Maxamuud Saleebaan Eidle WHO iyo covid19.jpg

Caabuqa Halista badan ee Coronavirus oo dhaliya cudurka Covid19 Waa uu joogaa deegaankeena isaga oo ka khatar iyo halis badan sidii hore’ waanu joogidoonaa aduunka oo dhan sanadaha soo socda isagoo saamayntiisu marna kor u kacayso marna hoos udhacayso.

ENG Maxamuud Saleebaan Eidle WHO iyo covid19.jpg
ENG Maxamuud Saleebaan Eidle WHO iyo covid19.jpg

Haddaba Adoo ilaalinaya Daryeelka Caafimaadka & Kan Bulshadaada La soco Macluumaadka ugu dambeeya ee COVID-19 adoo si joogto ah u hubinaya ama cusbooneysiinaya Baadhitaan kaaga caafimaad,

Fariintan Waxay Idiinka imaanaysaa Haayada Caafimaadka Aduunka Ee WHO oo kaashanaysa hay’adaha local ka ah ee ku taxaluqa caafimaadka bulshada kuwa heer qaran iyo kuwo heer degmo intaba.

Ka ilaali naftaada iyo dadka kale COVID-19 Haddii COVID-19 uu ku faafo bulshadaada,

Adigu ku nabad gal gurigaaga adiga oo qaadanaya taxaddarro fudud,
sida:-

  • Kala fogaanshaha jidhka,
  • Maaskarada oo aad gashato,
  • Qolalka oo hawo fiican loo yeelo,
  • Ka fogaanshaha dadka badan,
  • Nadiifinta gacmahaaga, iyo qufaca iyo hidhisada oo xusulka lagu daboolo adoo foorarsanaya ama dadka ka jeesanaya.
  • Hubi talo bixinta deegaanka aad ku nooshahay oo qaado, Wax walba oo lagula dagaalamayo yaraynta Caabuqa Covid19 ka.

– Samee! Waxyaabaha la sameeyo si looga badbaadiyo naftaada iyo dadka kaleba COVID-19 ka,

– Joogtee ugu yaraan 1 mitir masaafada u dhexeysa naftaada iyo dadka kale si loo yareeyo khatarta aad u leedahay infekshinka kana dheerow marka ay qufacayaan, hindhisayaan ama ay hadlayaan dadku.

– Joogso masaafo ka sii fog inta u dhexeysa naftaada iyo dadka kale Kala fogaanshaha dadku waa arinta ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo Covid19 ka.

– Ka dhigo xirashada maaskarada iyo waxkasta oo lagu yaraynayo wax caadi u ah noloshaada.

– Nadiifi gacmahaaga kahor intaadan wajigaaga taaban, iyo waliba kahor iyo kadib markaad iska siibto dharka iyo maaskarada,

– Hubso Maaskarada aad xidhan tahay inuu sifiican udaboolayo sankaaga iyo afkaaga.

Markaad iska bixiso maaskarada, ku kaydi bac balaastik ah, ama saabuun iyo biyo kulul ku dhaq haddii ay tahay maaskaradaadu dhar ama koton, Hana isticmaalin maaskarada leh valves ka.

Waxa kale oo jira su’aalo iyo jawaabo diiradda lagu saarayo maaskarada iyo carruurta.

Raadi Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sayniska sida COVID-19 ku usaameeyo dadka iyo jirkeenna iyo siday uga falceliyaan.

Lasoco Wixii talo bixin ah ee ku saabsan Covid-19 iyo go’aan qaadayaasha caafimaadka’ eegna hagitaanka farsamada ee WHO ama haayadaha caafimaad ee meeshaad joogto uqaabilsan caafimaadka.

Sida looga dhigo jawigaaga mid nabdoon oo caafimaad ahaan ka fiyow Covid-19,

Ka fogow goobaha soo socda:-

  • Meelaha xidhan,
  • Meelaha hawadu aanay furayn,
  • Meelaha camiran,
  • Meelaha Cidhiidhiga ah,
  • Meelaha xidhiidhka Dadweynaha
    – Sida Boosteejooyinka,
    – Suuqyada,
    – Goobaha aflaanta iyo Goobaha
    – Ciyaaraha lagu daawado.

Cudurro kala duwan oo qaarkood ka saamayn badan yihiin Covid19 ayaa laga soo sheegaa ama lagala kulmaa makhaayadaha, goobaha fanaaniintu ka heesaan, sida tiyaatarada iyo hoolalka dadku iskugu yimaadaan, fasalada jimicsiga iyo kuwa waxbarashada intaba,

Meelaha lagu caweeyo, xafiisyada iyo goobaha cibaadada ee dadku isugu soo baxaan, inta badan goobaha dadku ku badan yahay ee sida aadka ah looga hadlo, ama looga qeyliyo, neeftana kor loo qaado.

Khataraha helitaanka COVID-19 ayaa aad ugu badan meelaha ciriiriga ah ee hawada ku filan aan haysan oo dadka qaba cudurka ay ku qaataan waqti dheer.

Bay’adahan ayaa ah halka uu fayrasku ugu muuqdo inuu ku faafo dhibcaha neef-mareenka ama aerosolka si wax ku ool ah, sidaa darteed meelahaas oo kale taxaddarradu waa ka sii muhiimsan yihiin goobaha caadiga ah.

Kula kulan dadka bannaanka. Isu imaatinada bannaanka ayaa ka ammaan badan kuwa gudaha, gaar ahaan haddii meelaha bannaanku yaryihiin oo aan hawo banaanka ka soo gelin.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loo qabto Munaasabadaha sida isu imaatinka qoyska, ciyaaraha kubbadda cagta, carruurta iyo Munaasabadaha qoysaska ee gaarka ah, ka akhriso su’aalaha iyo jawaabaha kulammada yaryar ee dadweynaha.

Ka fogow goobaha dadku ku badan yahay ama gudaha ah, Haddii aadan awoodin, markaa taxaddar badan samee,

Daaqadaha fur oo Kordhi qadarka ‘hawo ee dabiiciga ah’ ee guriga ama xafiiska soo geleya markaad gudaha ku jirto.

WHO waxay daabacday su’aalo iyo jawaabo ku saabsan hawo-qaadashada iyo qaboojiyaha guud ahaan dadweynaha iyo dadka maamula meelaha dadweynaha iyo dhismayaasha.

Ha iloobin Aasaaska Nadaafaddu waa halka ugu wanaagsan ama ugu haboon ee lagu yarayn karo Covid-19.

Si joogto ah oo fiican ugu nadiifi gacmahaaga biyo iyo saabuun ama aalkolo.

Tani waxay baabiinaysaa jeermiska ay ka mid yihiin fayrasyada laga yaabo inay gacmahaaga ku jiraan.

Ka fogow taabashada indhahaaga, sankaaga iyo afkaaga.

Gacmuhu waxay taabtaan meelo badan oo kala duwan waxayna qaadi karaan fayras. Markay sumoobaan,

Gacmuhu waxay fayraska u gudbin karaan indhahaaga, sankaaga ama afkaaga. Halkaas oo fayrasku ka geli karo jirkaaga.

Ku daboolo afkaaga iyo sankaaga xusulkaaga adoo qaloocinaya ama soo laabaya, markaad qufacayso ama hindhisayso. Ka dibna ku tuur unugyada la isticmaalay weel xidhan oo dhaq gacmahaaga.

Raac Talooyinka’ Nadaafadda iyo Neefsashada’,

Waxaad ka ilaalinaysaa dadka hareerahaaga fayrasyada, sababa hargabka, ifilada iyo COVID-19ka.

La dagaalan dhammaan jeermisyada faafa oo ku nadiifi dusha si joogto ah, gaar ahaan kuwa raaca alaabooyinka sida joogtada ah loo taabto,

Sida:- albaabbada, qasabadaha, shaashadaha taleefannada iyo rimuudyada.

Waxyaabaha la sameeyo haddii aad Covid-19 Dareento.

Ogow noocyada kala duwan ee astaamaha Coronavirus, COVID-19.

Calaamadaha ugu caansan ee COVID-19 waa qandho, qufac qallalan, iyo daal joogto ah.

Calaamadaha kale ee aan aadka u badnayn ee laga yaabo inay saameeyaan bukaan jiifka qaarkood waxaa ka mid ah dhadhamin la’aan ama urta oo ruuxa ka lunta, madax xanuun, cunaha oo bukaanka xanuuna, ciriiri sanka ah, neef qabatin, indhaha oo casaada bukaanka, shuban, ama maqaarka oo soo baxa.

Guriga joog oo is-karantiil xitaa haddii aad leedahay astaamo yaryar sida qufac, madax xanuun, qandho fudud, illaa aad ka bogsato.

Haddii aad u baahan tahay inaad ka baxdo gurigaaga, xiro maaskaro caafimaad si aad uga fogaato inaad dadka kale u qaadsiiso.

Haddii aad isku aragto ama aad dareento qandho, qufac iyo neefsashada oo dhib kugu ah, si dhakhso leh u raadi daryeel caafimaad.

Booqo goobaha daryeelka caafimaadka ee kuugu dhow ama khadka Taleefanka kala xidhiidh haddii aad awooddo oo raac tilmaamaha maamulka caafimaad ee deegaankaaga.

La soco Macluumaadka ugu dambeeya ee laga helayo ilaha caafimaadka ee lagu kalsoon yahay, sida WHO ama hay’adaha caafimaadka ee deegaankaaga iyo kuwa qarankaaga.

Maamulayaasha Maxalliga ah iyo kuwa heer qaran iyo unugyada caafimaadka bulshada ayaa ugu fiican inay ka talo bixiyaan waxa dadka waxyeelaynaya, gaar ahaan aaggaaga khataruhu ka jiraan si ay naftooda u difaacaan.

Fariin Caafimaad Oo Ka Socota Qaramada Midoobay Gaar Ahaan WHO,

Waxaa Turjumay dibna u qorey Eng. Mohamoud Salleban Eidle.