Qarax ka dhacay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawaca dad kala duwan

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan 8 qof oo uu ku jiro Xoghayihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

140503120203_number4

140503123618_abdikaafi

Qaraxa oo ka dhacay aargada Lambar Afar ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay ilaaladii la socotay Cabdikaafi iyo dad rayid ahaa oo ka ag dhawaa goobta.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa xiray jidka iyaga oo baarritaan ka wada goobta qaraxu ka dhacay. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarka.

Qarax hore oo isna saaka ka dhacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa la doonayay in lala beegsado baabuur uu watay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed oo ka hadlay ayaa falkaasi ku tilmaamay “mid argagaxisanimo oo ay gaysteen nabad-diid aan asal ku lahayn dhaqanka Islaamka.”

Raiisul wasaaruhu waxa uu sheegay in marxuum Cabdikaafi uu shakhsiyan u yaqaanay, isagoo ku sheegay inuu ahaa nin dadaal badan ku bixiyay u adeegidda shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.