Xusuusta Uu Weriye Sidiiq Burmad Ku Sifeeyay Fanaankii Bacalwaan & Maalmihii Farxadda

2007 aniga iyo soddomeeye wariyeyaal ah ayaa dhowr bilood tababar u joognay Nairobi.

Maalin haddii uu naga maqnaado, maalinta xigta ayuu noogu iman jiray hudheelka aannu degganayn.

Qof naga mid ah safarkayagaa ka hor ma uu aqoon, hadana waxa uu nooga war hayay sidii oo aanu isaga magaalada ugu nimi oo marti aannu u nahay.

Intadii Hargeysa ka timi ayuu qof qof nooga waraysanayaa asxaab uu ku lahaa oo ay afartan sanno ka hor ugu danbeysay.

Kuwayaga garoowe, gaalkacayo iyo muqdisho kasoo safray ayuu hadana hebello su’aalayaa.

Hadba qofka uu naga warsanayo ayuu isaga oo xusuuso raagay oo xiisahooda aanu wajigiisa ka akhrisanaynay, sheekadiisana kaga boganaynay nooga warramaa.

Waa maalmo ay soo wada qaateen asxb wada caan ahaa oo ay kala baadeen.

Maalmaha qaar toban saacadood ayuu niyad furnaan iyo dareen kal gacal nagula cawayn jiray hudheelka, sidii oo aanu nahayba kuwa uu naga dhawaysanayay ee waayuhu kala dhuftay.

Wanaagga lama jillee, gobonimo iyo dad jacayl uu dhashay oo ka dhab ah ayuu nagusoo dhaweeyay, nagu marti galiyay, noogu warrami jiray oo nooga sheekayn jiray maalmo aannaan nolosha kusoo gaadhin.

Alle ha u naxariisto Cabdi Cali Bacalwaan.

W/Q: Weriye Sidiiq Burmad