Cabdiqaadir Jirde: “Xukuumaddu ilmaha iyo Hooyadii ayey soo Kala Horreysiisaye haysku…”

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi degdegayso, isla markaana ay soo kala horreysiinayso ilmaha iyo Hooyadii, ka dib markii ay Hay’ado aan la samaynin siyaasaddii lagu hagi lahaa iyo Xeerarkii lagu maamuli lahaa ay magacawday, qaarna Golaha Wakiillada u soo gudbisay, si ay u ansixiyaan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Warbaahinta la hadlay, ka dib markii Hay’adda caymiska ay Xukuumaddu u soo gudbisay, isla markaana Shir-guddoonka goluhu muddeeyey in berri la ansixiyo, taas oo uu ku tilmaamay degdeg, maaddaama oo aan Xukuumaddu Siyaasad u samaynin, Xeer loo diyaariyeyna jirin.

Haddaba, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo arrimahaas si cilmiyan ah uga hadlaya, talooyinna u jeediyey Shirguddoonka Golaha iyo Xukuumadda Somaliland, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.