Xasaasi: Xirsi oo Qaawiyey Siyaasadda Madaxweyne Biixi ee Wadahadalka Somaliland & Somalia

XIRSI IYO MUUSE BIIXI
XIRSI IYO MUUSE BIIXI

Hargaysa (Aftahannews) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhalliilay Siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ku aaddan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, qaabka uu uga hadlo, isla markaana u soo kala dhawaysto Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Dowladda Soomaaliya Xilalka ka haya.

XIRSI IYO MUUSE BIIXI
XIRSI IYO MUUSE BIIXI

Hoggaamiye Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay qodobbo kala duwan oo la xidhiidha Siyaasadaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo hab-dhaqanka diblamaasiyadda dibedda iyo waxay Somaliland ka baran doonto, xidhiidhka Isaga iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi ka dhexeeya iyo arrimo kale.

Xirsi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu la yeeshay Weriye Khaalid Foodhaadhi oo Hargeysa ku waraystay, arrimo kala duwanna wax kaga weydiiyey, waxaanannu waraysigaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-