Raysal-wasaare Khayre oo Kulan la Tashi ah la yeeshay Ururrada Bulshada iyo Culima’udiinka

KULANKA RAYSAL-WASAARAHA IYO URURRADA BULSHADA 2020
KULANKA RAYSAL-WASAARAHA IYO URURRADA BULSHADA 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah oo ku addan doorashooyinka la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

KULANKA RAYSAL-WASAARAHA IYO URURRADA BULSHADA 2020
KULANKA RAYSAL-WASAARAHA IYO URURRADA BULSHADA 2020

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasillooni, isagoo sheegay booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka ah ee SONSA Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka.

Sidoo kale waxuu tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka.