Qaramada Midoobay oo Sheegtay in la dilay Askar Nabad-ilaalin u Joogtay Jamhuuriyadda Afrikada dhexe

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN ASKAR LAGAGA DILAY JAMHUURIYADDA AFRIKA DHEXE 2020
QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN ASKAR LAGAGA DILAY JAMHUURIYADDA AFRIKA DHEXE 2020

Deko(aftahannews):- Qaramada Midoobay ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in saddex ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta shalay lagu dilay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ka dib weerar ay soo qaadeen malleeshiyo hubeysan oo aanan wali la aqoonsan heybtooda.

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN ASKAR LAGAGA DILAY JAMHUURIYADDA AFRIKA DHEXE 2020
QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN ASKAR LAGAGA DILAY JAMHUURIYADDA AFRIKA DHEXE 2020

Bayaan ka soo baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi ee loo soo gaabiyo MINUSCA ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ka soo jeedaan dalka Burundi.

Sidoo kale weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Dekoa, oo 200 km waqooyiga uga beegan magaalada caasimadda ah ee Bangui, ayaa lagu dhaawacay laba askari oo iyana ka tirsanaa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Weerarka ayaa ku soo aadaya xilli maalinta berri ah la filayo in dalkaasi ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaaniga ah. Madaxweyne Faustin-Archange Touadera ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, oo ah waddan qani ku ah, dhaymanka, dahabka iyo alwaaxa ayaa tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska sannadkii 1960-kii, u soo joogay shan afganbi iyo kooxo kala duwan oo fallaago ah.

Tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuu dalkaasi ku jiray dagaallo sokeeye oo ka dhashay ka dib markii maleeshiyo hubeysan ay talada xoog uga tuurtay madaxweynihi hore Francois Bozize.