Dowladda Soomaaliya oo heshiis Dayn Cafin ah la saxeexatay Dalalka England, Denmark iyo Netherland

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle

Muqdisho (Aftahannews) — Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxeexatay dalalka England, Denmark iyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxeexay Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in saxeexaan uu daba socdo go’aankii ka soo baxay shir dhacay 31-kii March 2020 oo Soomaaliya lagaga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan.

Go’aanka kasoo baxay shirkaas ayaa dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba si gooni ah uga saxeexato inta uu ka saamaxay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle

Isu geynta lacagta ay saamaxeen 3 dal ayaa gaadheyay $69.9 million.

Soomaaliya oo lagu leeyahay shan bilyan oo dollar oo dayn ah ayaa maraysa wajiyadii ugu dambeeyay ee qorshaha dayn cafinta, waxaana hore deymo uga cafiyay dalal dhowr ah oo malaayiin dollar ku lahaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.