Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho (Aftahannews) – Guddiga doorashooyinka dad ban ee heer federal ayaa shaaciyay in jadwalka diiwaan galinta tartamayaasha doorashada aqalka sare uu bilaabanaysa taariikhdu markay tahay 26-ka bishan December.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada Soomaaliya ayaa loogu gudbiyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay ugu dambayn 29-ka bishan December soo gudbiyaan liiska murrashixiinta aqalka sare.

Guddigu waxay sheegeen in doorashada xildhibaanada aqalka sare lagu dhameystiridoono inta u dhaxeysa 31 december illaa 6-da January.

Tallaabada xigta waxay tilmaameen in ay noqondoonto diiwaan galinta, xaqiijinta iyo tababarida odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ee soo xulista ergada doorashada aqalka hoose.

Jadwalka doorashada aqalka sare ayaa dib u dhac uu ku yimid, iyadoo hore loogu heshiiyay in ay billaabanto kowda bisha december, hase yeeshee khilaafka siyaasadeed ee doorashada ayaa suurtagalin waayay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.