Trump oo diiday inuu saxeexo xidhmada Covid-19 iyo miisaaniyadda dowladda

Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay ku hanjabay inuusan saxeexi doonin xeer uu ansixiyay koongareeska Mareykanka oo isugu jira 1.4 tiriliyan oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda iyo 900 oo bilyan oo dollar oo ah lacagaha gargaarka coronavirus.

Muuqaal fiidiyo ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter, ayuu Trump ku sheegay Salaasadii, in lacagaha ay ansixiyeen koongareysa ayna ku filneyn shacabka Mareykanka. Xeerka ayaa u ogolanaya inta badan dadka Mareykanka ah qofkiiba lacag dhan 600 oo dollar.

Trump
Trump

Madaxweyne Trump ayaa weydiistay Koongareeska in ay kordhiyaan lacagta oo ay gaadhsiiyaan qofkiiba $2,000, ama lamaane walba oo is qaba $4,000. Wuxuu kaloo ku baaqay in Koongareeska ay meesha ka saran waxyaabaha aanan loo bahneyn ee xeerka ku jira si uu u saxeexo.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden ayaa isna ballan qaaday inuu kaalmo lacageed siin doono dadka Mareykanka ah ee uu dhaqaalahoodu saameeyay Covid-19, marka uu yimaado xafiiska bisha Janaayo ee soo socota.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.