Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti

Djibouti (Aftahannews) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku  soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhexeeya  Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.