Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka oo dhex-dhexaadin laga dhex billaabay

Kulanka Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murrashaxiinta
Kulanka Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murrashaxiinta

Muqdisho (Aftahannews)- Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah, oo uu hogaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka aya waxaa ay uga wada hadleen caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020/2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa, si dalka uu u gado galo doorashooyinka

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arrimaha doorashooyinka ee taagan.

Kulanka Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murrashaxiinta
Kulanka Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murrashaxiinta

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Midowga Musharixiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo wakhtiga la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada dalka uu sii dhamaanayo, dowlada federalkana ay ku mashquushay arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka kala dhexeeya dalka Kenya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.