Nooc cusub oo Fayruska COVID-19 ah oo soo shaac baxay

axaa sida khubarada ay sheegeen si xawli ah ugu faafaya nooc cusub oo fayraska Coronavirus kaasi oo si fudud ay dadka isu qaadsiin karaan

Waxaa sidoo kale soo baxaya cabsi ah in noocanii cusub ay si sahlan u qaadi karaan caruurta yaryar.

Waxa soo baxaya walaac isa soo taraya oo dunidu ka muujinayso firka cusub ee karona ee laga helay Ingiriiska.

Taasi oo keentay in diyaaradihii u kala gooshi jiray ay dalal badani joojiyaan.

Hase yeeshee khubarada hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegaya in aan ilaa haatan la hayn wax caddaynaya in fayraskan cusbi ee Ingiriiska laga helay si fudud la isku qaadsiin karo oo uu ka halis badan yahay noocyadii hore u jiray.

Dalalka Yurub ayaa xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay Ingiriiska ka dib markii dalkaasi sheegay in fir-cusub oo aad loo kala qaado oo fayraska karona ah wadankaas laga helay.

Hoos ka dhagayso warbixinta xaaladan

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.