Sudan oo Millateri Ku Daabulaysa Xadka ay wadaagaan Ethiopia iyo Xiisad Dagaal oo Taagan

Sudan Military in border between Ethiopian

Khartum (Aftahannews):-  Dowladda Sudan,  ayaa xoojin Millateri oo muhiim u ah u dirtay xuduudda ay la wadaagto Ethiopia, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Sudan, maalmo kadib markii ciidamada ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Ethiopian ah.

Sudan Military in border between Ethiopian
Sudan Military in border between Ethiopian

Askarta Millateri, ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Ethiopian ah.

Goobtan ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka Tigray oo dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxda TPLF.

“Ciidamada Sudan waxay kusii siqayaan jiidda hore ee Al-Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fariisimo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay in askartood ay habeenkii Talaadadii “soo weerareen ciidamada iyo maleeshiyo Ethiopian ah oo ku sugan dhulka Sudan.”

Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasta oo ciidamada asyan xaqiijin warbixinadan.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan.

Addis Ababa ayaa isku dayday inay yareyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan aysan helis ku aheyn xiriirka labada dal.

Xigasho VOA/AFP.