Dowladda Itoobiya maxay ka tidhi isfahamka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Kenya?

Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta
Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta

Addis Ababa (Aftahannews)-  Dowladda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay socdaalkii uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Kenya iyo weliba isfahamka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Hargeysa iyo Nayrobi.

Warbixinta toddobaadlaha ah ee “The Horn” ee ay wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Itoobiya ku falanqayso gobalka Geeska Afrika, ayaa waxa ay shalay si kooban ugaga hadashay arrinta Somaliland iyo Kenya, waxaanay si gaar ah u soo qaadatay qodobka ku jiray war-murtiyeedkii labada madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland ee ku saabsanaa inay Kenya qunsuliyadka furato Hargeysa, taasoo ay sheegtay warbixintu inay kor u sii qaaday xiisadda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. “Kenya waxa ay qunsuliyadka furan doontaa Somaliland, taasoo u ololaynaysa aqoonsi caalami ah, siina kordhinaysa is-faham-waaga u dhaxeeya dawladda jaarka ee Soomaaliya.”Ayay tidhi warbixintu.

Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta
Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta

Waxaanay intaas raacisay, “Xafiiska waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa laga furi doonaa dabayaaqada bisha March.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo dhiggiisa Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidan ku sheegay war-murtiyeed Salaasadii  December la soo saaray.”

Waxa ay warbixinta Itoobiya intaas ku dartay in sidoo kale ay Somaliland u kor qaadi doonto xafiiska ay ku leedaha ymagaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.