Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay aas loo sameeyay saraakiishii ku geeriyooday qaraxii Gaalkacyo

Gaalkacyo (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii ku geeriyootay falkii Al-shabaab shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisal Wasaaraha , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hadhi doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ayna marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.