Wasiir Faratoon oo sheegay inaan Soomaaliya awood u lahayn inay joojiso dhaqan-gelinta Heshiiskii Somaliland iyo Kenya

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn isla-markaana hor-joogsan karin heshiiska ay dhawaan Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Shalay ka qayb-galay dood Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du ku falan-qaysay heshiiska Somaliland iyo Kenya ayaa sheegay in aanay Soomaaliya carqaladayn karin hirgelinta heshiiskaasi oo u yaalla Dawladaha Kenya iyo Somaliland.

 Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Wasiir Faratoon oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Heshiiskan laba Dawladood baanu ku galnay, laba Dawladood bayna u taallaa sidii heshiiskaasi u dhaqan-geli lahaa oo ay ka wada shaqeeyaan. Waxaanu aamisanahay wax hor istaagaya ama haatan Carqalad noqon kara xidhiidhkaa labada Dal samaysteen ee horena u jiray, imikana ay sii ballaadhiyeen ee ay hore u sii mariyeen..”

Wasiir Faratoon waxa kale oo uu sheegay inay Soomaaliya u taallo waxay yeelayso, laakiin aanay Somaliland ahaan aaminsan yihiin in aan cidna carqaladayn karin heshiiskaasi “Soomaaliya ayay u taallaa waxay ka yeelayso, laakiin annagu waxaanu u aragnaa heshiis ay labada Dawladood meel-marin karaan, Soomaaliya ha diido ama ha ogolaato.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.