Cabdirashiid Janan: Waxba nagama khuseeyaan xidhiidhka ay Soomaaliya u jartay Kenya

Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Janan

Gedo (Aftahannews)- Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mar walba waxa ay ku adkaysanaysay inaysan wax farogelin ah ku hayn arrimaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland
Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da la hadlay ayaa wasiirka amniga Jubaland ku eedeeyay in uu Jabhad ka abaabulayo gudaha Kenya.

Balse Cabdirashiid Janan ayaa arrintaasi ku gacan seydhay waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.

“Waxaan xaqiijinayaa oo ummadda Soomaaliyeedna ay ogtahay in aniga aan joogo degmada Beled-Xaawo duleedkeeda oo dalka Soomaaliya gudahiisa ah”, ayuu yidhi Janan.

Mar wax laga weydiiyay eedeynta ah in Ciidamo looga keenay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayuu wasiir Janan sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee uu isaga wasiirka ka yahay.

“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana jooga. Haddii taa ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer”, ayuu yidhi Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland.

Janan ayaa dhanka kale ku eedeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi in ay dhibaato ku hayaan shacabka halkaasi deggan.

“Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas’uulka ka ahayn oo dhibban oo dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani’aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo…degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda degganahay 5/3/2011 baan cadow ka qabannay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa sida shacabka loola dhaqmayo”.

Waxa uu intaasi ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhaca gobolka uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugidda Fahad Yaasiin.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in maamulka Jubbaland aanu dan  a geli doonin xidhiidhka ay dowladda Soomaaliya u jartay Kenya maadaama buu yidhi iyagu ay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Kenya.

“Xidhiidhka ay Villa Somalia u jartay dowladda Kenya waxba annaga Jubaland ah nagama khuseeyaan. Dowladda Kenya xidhiidh baan la leenahay, deris baan nahay, walaal baan nahay, shacabka Soomaaliyeed baa ku dhex nool. Mana qabno in marnana xidhiidh loo jari karo, sidaasina aan ku kala go’i karno….mana aha ra’yiga aan ku hadlayno mid annaga Jubbaland ah oo kaliya aan qabnee qof kastaa oo Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo dalkan u naxaya ayaa qaba in ereyga Villa Somalia ka soo baxaya in uu yahay wax khaldan”, ayuu yidhi Janan.

 

BBC