Dowladda Soomaaliya oo Kenya ku eedeeysay abaabul dagaal

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ku eedeysay abaabul dagaal iyo in ay hubeyneyso maleeshiyaad qalalaase amni ka abuura Gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay ogaato in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.