Masuuliyiin ka Hadlay Qarax Raysal-wasaare Rooble ka badbaaday oo Saraakiil & Shacab lagu Xasuuqay

QARAX RAYSAL-WASAARE ROOBLE KA BADBAADAY OO DAD LAGU XASUUQAY 2020
QARAX RAYSAL-WASAARE ROOBLE KA BADBAADAY OO DAD LAGU XASUUQAY 2020

Muqdisho(aftahannews):- Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, ayaa cambaareeyay dilka Masuuliyiin Ciidanka ka tirsan iyo Dad rayid ah, waxaanay ku tilmaameen weerar argaggixiso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabta Al-shabaab ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Raysal-wasaare Rooble oo caawa warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo, waxa uu yidhi; “Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa xaqiijiyey geerida Saraakiil Ciidan oo lagu dilay Qarax galabta Qof naftii halliga ahi ka geystay Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdillaahi Ciise oo ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

QARAX RAYSAL-WASAARE ROOBLE KA BADBAADAY OO DAD LAGU XASUUQAY 2020
QARAX RAYSAL-WASAARE ROOBLE KA BADBAADAY OO DAD LAGU XASUUQAY 2020

Taliye Odawaa, waxa tacsi u diray guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Saraakiishii iyo dadkii Shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxaas, oo ka dhacay Garoonka Kubadda cagta oo ay ka socotay qaban-qaabada soo dhawaynta Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Wafti uu hoggaaminayaa ku soo wajahnaayeen marka qaraxu dhacay.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay Qof walxaha qarxa isku soo xidhay, waxaa ka mid ah:-

1- Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari). 2- Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan. 3- Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali. 4– Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliiye Qooje, ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala waqooyiga Gaalkacyo halkaas oo la geeyay isagoo dhaawac culus ah, sida ay sheegeen Dad ku sugan magaalada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin dowladeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Yare Cali, oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook-ga, ayaa tacsi u diray Qoysaska, Eheladooda, qaraabada, asxaabta iyo dadka Soomaaliyeed-ba.

“Aniga oo ku hadlaya afka maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho waxaan tacsi u dirayaa maamulka Galmudug, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen walaalaheen ku dhintay qarixii Gaalkacyo, ka shaqsi ahaan waxaan tacsi u dirayaa labadeeydii saaxiib ee sida sawirkan ka muuqata Midig iyo Bidix ii ahaa muddadii aan ka shaqeynayay dhismihii Galmudug Sarreeye Guute Cabdicasiis C/laahi (Qooje Dagaari) iyo Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan iyo saraakiishii kale ee la dhimatay waxaana Alle uga baryayaa naxariistiisii Janno.” sidaa ayuu Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ku yidhi Qoraalkiisa.

Waxaanu intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Sidoo kale waxaan Tacsi gaar ah diyaarayaa Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) oo ahaa halyeey taariikhdu ku xusi doonto kaalintiisii lama ilaabaanka aheyd ee uu ka qaatay Nabadeyntii walaalaha Gaalkacyo wada daga. Dowlada Federaalka waxaan ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la gaarto dadka walaalaheen ah ee reer Galkacyo.”

Sidoo kale, Masuuliyiin kala duwan oo dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ka tirsan, ayaa iyaguna tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Masuuliyiinta iyo Shacabka ku nafwaayey qaraxa, iyagoo Allaah uga beryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumiintana naxariistiisa Janno ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna Allaah caafimaad ka siiyo dhibta soo gaadhay.

Qaraxayada sidan oo kale lagu bartilmaameedsado Masuuliyiinta dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo weliba Dadka Shacabka ah iyo ciidammada, ayaa  la aaminsan yahay inay geysato Kooxda Al-Shabaab, oo intooda badan masuuliyaddooda iyadu sheegata iyo kuwo ay ka aamustaba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.