Dawladda Taiwan Maxay Ka Tidhi Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ee Kenya ?

Hargeysa (Aftahan) – Dawladda Taiwan ayaa guul ku tilmaantay heshiiska Somaliland iyo Kenya ku kala saxeexdeen Magaalada Nairobi, ka dib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tagay Safar qaatay saddex Maalmood.

Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland Lou Chen-hwa oo hadal ka jeediyey Munaasibad Dawladdiisu kaga dhawaaqday Deeq Waxbarasho oo Ardayda Somaliland ku tagayaan Taiwan ayaa sheegay inuu Hambalyo u dirayo Somaliland oo uu sheegay inay guul ka gaadhay safarkii Madaxweynaha ee Kenya.

Lou Chen-hwa  oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan Somaliland ku hambalyeeyo guusha weyn ee ay ka gaadhay Kenya, waxayna Calaamad u tahay guul kale oo ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo daba socda heshiiska ay wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Uhurru Kenyatta.”

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay ka soo laabtay Safarka shaqo ee uu ku tagay dalka Kenya, kaasi oo qaatay saddex Maalmood.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office