Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Hargeysa

Hargeysa (Aftahan) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta kormeer ku soo maray goobo ka mid ah Hargeysa oo ay ka socoto Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka.

Madaxweynaha oo mid mid u maray Goobaha uu kormeeray ayaa u kuur-galay siday u soocto diwaangelinta, isagoo War-bixinno ka dhegaystay Hawl-wadeennada Komiishanka doorashooyinka ee Maamulaya diwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

 Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office