Soomaaliya: Midowga Musharraxiinta Mucaaradka Ah Oo Ka Hadlay Dawladdu Dul-dhigtay Xaafadahooda

Muqdisho (Aftahan) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa qeybo ka mid ah qeybo ka mid ah degmada Wadajr iyo xaafadda Buula-xuubey sida  Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, dhamaanba waddooyinka soo gala xaafadahan oo ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin xubnaha mucaaradka ah.

Midowga musharixiinta oo War ka soo saaray ayaa tallaabadan ayaa tallaabada ay dowladda ku qaadday ku tilmaamay daan-daansi dagaal, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo qaadanayo mas’uuliyada cawaaqibka ka dhaqan kara dhaqdhaqaaqyada militari ee socda.

Halkan Hoose ka Akhri War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharraxiinta Soomaaliya

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office