Somaliland: Tartanka Kubadda Cagta Ee Hablaha Oo La Joojiyey

Hargeysaa (Aftahan) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa Maanta soo saartay Go’aan ay ku joojisay Tartan kubadda Cagta ah oo Maanta Hargeysa uga bilaabmi lahaa Hablo ka socda Gobollada Somaliland.

Wareegtu uu soo saaray Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu joojisay Tartankii kubadda Cagta ee kooxaha Hablaha ah ee Gobollada dalka, ka dib markii sida uu Agaasimuhu sheegay la jebiyey nidaamkii loo dhigay Tartankaasi, kaasi oo ahaa inaan la baahin Muuqaallada Ciyaaraha ka dhex maraya Naadiyada Hablaha.

Agaasimuhu wuxuu go’aanka joojinta ku saleeyay in la baal-maray hanaanka loo dhigay in Habluhu u ciyaaraan, taasi oo ahayd inaan Tv-yada laga arag markay ciyaarayaan “Maadaama oo uu baal-maray Tartankaasi sidii Haboonayd ee Diinteena iyo dhaqankeenu ahaa isla-markaana aynu isku ogayn, taasi oo ah inaan Saxaafadda Tv-yada iyo Baraha Bulshada laga arag muuqaallada Hablaha Ciyaaraha..”ayuu Agaasimuhu u yidhi War-saxaafadeedkan uu Go’aankan ku shaaciyey.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaruhu waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Wasaaraddu go’aanka ay ka qaadatay Tartanka Kubadda Cagta ee Hablaha Gobollada dalka ay ku saleeyeen Fal-celin uu sheegay inay ka sameeyeen Culimada Dalka iyo Bulshada qaybaheeda kale.

Halkan Hoose ka Akhriso Go’aanka Wasaaradda Ciyaaraha oo Dhamaystiran

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office