Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Warbixiyey Guulaha Safarkiisii Kenya, Laguna Soo Dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyey guulaha safar wafti uu hoggaaminayaa kaga soo laabteen dalka Kenya oo qaatay muddo saddex maalmood ah, isla markaana wadahadallo ka dib heshiis laba geesood ah ku kala saxeexdeen Madaxweynaha dalkaas Uhuro Kenyatta.

Madaxweyne Biixi iyo Waftigiisu gelinkii dambe ee maanta ayey dalka ku soo laabteen, isla markaana lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaanu Madaxweynuhu markii uu soo degay ka dib, Qolka Nasashada ee Madaarka kula hadlay hadlay Warbaahinta oo iyaguna su’aalo ka weydiiyey safarkiisa iyo waxa u soo qabsoomay.

Haddaba, Warka soo laabashada Madaxweynaha iyo Waftigiisa iyo hadalka uu Warbaahinta siiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.